Wasiirka arrimaha dibada DKMG Soomaaliya oo ka warbixiyay kulamadii madaxweyne Sheikh Shariif uu la qaatay madaxda Ingiriiska.

Halkaan ka akhri

Wasiirka arrimaha dibada dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo ka mid ahaa Wafdiga lasocday madaxweynaha Soomaaliya booqashada Rasmiga ah ee uu  ku jooga magaalada London, ayaa ka warbixiyay kulamadii ay la qaateen madaxda Britain.

Wasiirka  ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif ay is arkeen Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Cali Axmed Jengeli wuxuu intaa uu  raaciyay in Kulanka  uu ahaa mid jawi wanaagsan ku bilowday, labada Mas’uulna ay diirada saareen Xaalada labada dhinac iyo sidii Ingiriisku taageero u siin lahaa Dowladda KMG.

Wasiirka Arrimaha Dibada wuxuu kaloo uu  tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mr Brown iyo Madaxweyne Shariif  ay si gaar ah uga hadleen argagixisada iyo arrinta Burcad badeedka, waxaana uu cadeeyay in dhamaan arrimahaas la iska weydaarsaday aragtiyo kala duwan.

Dhanka kale Wasiirka oo ka hadlay arrimaha Ammaanka wuxuu sheegay  in Madaxweynaha uu si caddaan ah uga hadlay in Beesha Caalamka ay waajib ku tahay inay ka mira dhaliso sidii Soomaaliya ay lugaheeda isugu taagi lahayd, taasina waxaa lagu heli karaa Ciidan Soomaaliyeed oo hanan karo Sugidda Ammaanka dalka oo dhan.

Si kasta ha ahaatee Wasiirku wuxuu ugu dambeyntii uu sheegay in wada hadalka labadaasi mas’uul uu si wanaagsan ku soo gaba gaboobay isla markaasina natiijo wanaagsan ay kala gaareen isaga oo rajeeyay in waxyaabaha ay ka wada hadleen laga mira dhalin doono.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Shariif  uu dalka Ingiriiska  uu ku joogi doono  3-da maalmood, wuxuuna  la kulmo jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo sidoo kale madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Britain.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: