Halkaan ka akhri
Gudiga dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay soo gabagabeeyeen qoristii arimaha Dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya.
gudoomiye ku xigeenka Guddiga Dastuurka iyo arimaha Faderaalka ee dowladda KMG Soomaaliya ahna ku simaha gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir Sheikh Ismaaciil ayaa waxa uu maanta Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay soo gabagabeeyeen qoristii la isku waafajinayay Dastuurka iyo ku dhaqan Shareecada Islaamka.
C/qaadir Sheikh Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in ay u gudbinayaan Golaha Baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya qoraalka dastuurkii ay ka soo shaqeeyeen kaasi oo markii ay hordhigaan kadib uu dalku ka shaqeyn doono.
Sidoo kale Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka gudiga Dastuurka arimaha Fedaraalka ee Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya in dastuurkan ay soo hordhigi doonaan Shacabka iyo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kadibna uu si rasmi ah u dhaqan gali doono.
Sida la wada ogsoon yahay dhawaan ayay aheyd markii gudiga dastuurka ee baarlamaanka KMG Soomaaliya ay sheegeen in uu soo dhaw yahay qorista iswaafajinta Dastuurka iyo sidoo kale ku dhaqanka shareecada Islaamka islamarkaana maanta ayaa la sheegay inuu soo gabagaboobay, hase ahataee lama oga marka la horgeeyo Golaha baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ka yeeli doonaan aqbalitaanka Dastuurkan iyadoo horay Golaha Baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya ay u aqbaleen in dowladda KMG Soomaaliya ay wadanka ku maamasho shareecada Islaamka.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.