Halkaan ka akhri
Dowladda Boqortooyada Britain ayaa sheegtay in Malaayiin Dolar ah ay ugu deeqayso dowladda KMG Soomaaliya kadib markii Madaxweyne Sheikh Shariif Axmed uu shalay ay wadahadallo uu kula yeeshay magaalada Landon Ra’iisal-wasaare Gordon Brown.
Lacagtan ay balan qaaday Dowladda Ingiriiska oo gaaraya Malaayiin Dolarka Mareykanka ah ayaa la sheegay in dowladda Ingiriiska ay kaga qeyb qaadan doonto taageerida iyo waliba u gargaarida shacabka Soomaaliyeed ee ku barakacay islamarkaana dhibaatooyinka ay ku haystaan gudaha wadanka Soomaaliya.
Radiyaha la iska arko ee loo yaqaano Kanaal-4 oo soo xiganaya Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan dowladda Britain ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay kulamo kala duwan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska kula qaateen Madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda KMG kuwaasi oo sida la sheegay kala hadlay ra’isul Wasaaraha wadanka Ingiriiska Gordon Brown arsimo la xiriira dhibaatooyina ka jira gudaha dalka Soomaaliya taasi oo dowladda Ingiriiska ay go’aansatay in Malaayiin Doolar ay ku deeqdo dadka Soomaalida ah iyo waliba dowladda KMG ee Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa la filayaa inta ay joogaan wafdiga uu hogaaminayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxda dowladda Britain ay ka hadli doonaan arrimaha dhinaca Burcad badeeda gaar ahaan Lamaanayaal wadanka Ingiriiska u dhashay oo kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ay ku haystaan xeebaha dalka Soomaaliya, sidii ay dib ay ugu heli lahaayeen xoriyadooda.
SomaliSwiss London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.