Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo wafdi balaaran oo u hogaaminayo oo gaaray mag. London.

Halkaan ka akhri

London – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jambuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa soo  gaaray magaaldda London, waxaana la sheegay in wafdigu Madaxweynuhu ay  ku sugnaan doona dalka Ingiriiska ilaa subaxnimada Jimcaha ee 12-ka  Maarso, 2010.

Madaxweynuhu wuxuu Isla Maanta bilaabay  kulamo aan kala go’lahayn ee uu la yeelanayey madaxda dalkan Britian,  Jaaliyadda Soomaalida iyo Muslimiinta England.

Sida uu noo sheegay Wariyaha shabakada SomaliSwiss in Wafdiga madaxweynaha la socday ay ka mid ahaayeen  Wasiirka Maaliyadda ahna R/wasaare ku Xigeen Shariif Xasan Sheikh Aaden, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ali Jama Jengali, Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Ahmed Abdulle (Azhari), Wasiirka Haweenka Fowziya Maxamed Sheikh Xasan, Wasiirka Qorshaynta iyho Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Cabdishakuur, Wasiirka Tacliinta Sare Maxamed Cabdullahi Omaar, Xildhibaan Axmed Xasan Gabone (Ugaas Axmed-bile), Xildhibaan Cumar Idiriis iyo Sariikiil Sare oo ka tirsan Madaxtooyada oo ay mid yihiin Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, C/kariim Xasan Jamac, Madaxa Protocolka Mursal M. Saney iyo Madaxa Warfaafinta C/rashid K. Xaashi.

Dhanka kale  qorshaha  Madaxweynaha ayaa ahaa inuu Galabta la kulmo  Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Gordon Brown iyo Wasiirka Arrimaha; kadibna waxaa uu Madaxweynuhu tagi doonaa Baarlamaanka Ingiriiska – Westminster – isaga oo shir halkaasi kula gali doona Mudanayaal Baarlamaanka iyo dowladda ka tirsan. Intaas kaddibna gelinka danbe ee galabta waxa uu Madaxweynuhu ka hadli doonaa Xarunta Aqoon-is-weydaarsiga ee Chatham House, isaga oo isla caawa booqasho ku tagi doona Markaz Islaami ah oo kuyaala magaaladan London.

Hase ahaatee ilaa hadda iyo hadda nama uusan soo gaarin wax isbeddel ah oo ku dhacay Qoorshaha Jadwalka Kulaumada iyo Joogintaanka dalka Ingiriiska.

SomaliSwiss   London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: