Halkaan ka akhri
Degmada dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa laga soo sheegay inay ku dhinteen ilaa laba qof, taasoo keentay ayaa la leeyahay roobab xoogan oo mudo ka socday deegaano hoostaga Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmada dhoobleey ee gobalkaas.
Sida aannu ku helnay wararka in dad geeriyooda ay biriqda ku dishay deegaanka dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose laba haween ah oo halkaas ku dhaqnaa ka gadaal roobab in mudo ah halkaas ka socday.
Saacado badan ayaa lagu waramayaa in ay socdeen roobabkaas ka da’ay gobalka Jubbada Hoose waxaana jira khasaare gaaray dad xoolo dhaqata ah oo ay biriqda ka dishay xoolo farabadan
Dadka deegaanka ayaa ku diirsaday roobabka xili halkaas ay ka taagnaayeen abaaro saameeyay dad iyo dunyo waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadka halkaas ku dhaqan oo ku diirsaday roobabkaas.
Sidoo kale war naga soo gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in muddo laba maalmood ay ka dà ’ayeen Roobab aad u xoog badan oo ilaa hadda la soo sheegin wax dhibaata ah oo uu geystay, hase yeeshee dadka Beeraleyd ah ay u qalab qaateen, una dareen inay ka howlgalaan Beerahooda.
Dhanka kale Gobollada Woqooye ee dalka Soomaaliya ayaa laga soo sheegay inay ka dà ’een Roobab aad u Culus oo dhibaato u geystay dadka iyo Duunyadaba, waayo biyaha roobabkan oo Togogda iyo Dooxooyinka ku soo rogay ayaa waxyeela gaarsiyey Tuulooyin iyo Deegaano ay ku dhaqnaayeen dad reer Miyiga ah, sidoo kale waxaa lagu soo warramay in biyaha Roobka ay gooyeen Waddooyinka dhemara Gobollada Woqooyi.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.