Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa caawa magaalada London kulan kula qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Gordon Brown.
Kulanka madaxweyne Sheikh Shariif iyo Gordon Brown ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ee magaalada London, iyaga oo isla soo qaaday arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xaaladda ka jirta dalka Somalia.
Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu ra’isal wasaaraha Ingiriiska warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee dalka Somalia iyo sida loogu baahan yahay in dowladda Britain ay gacan weyn ka geysato taageeridda iyo wax la qabashada dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu kulamo la qaatay wasiirrada arrimaha dibadda iyo baarlamaanka ee Britain oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga iyo dhaqaalaha.
Wararku  waxaa ay sheegayaan in madaxweyne Sheikh Shariif oo caawa xarunta cilmi barista ee Chatem House ka jeedin doono khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlayo xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo.
Maalinta Arbacada ayaa lagu wadaa in uu madaxweyne Sheikh Shariif magaalada London kula hadlo Soomaalida Qurba joogta ah gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Ingiriiska.
Sidoo kale madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa magaalada Bermingham oo ay ku dhaqan yihiin Soomaali aad u fara badan.
Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Britain, waana markii ugu horeysay uu ra’isal waraare Ingiriis ah uu qaabilo mudo 20 sano kabadan madaxweyne Soomaaliyeed, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii Kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay wax badan ka baddasho aragtidii ay ka qabeen dalka Somalia dowladaha Ingiriiska iyo kuwa reer Europe.
SomaliSwiss    London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.