Somali & English
Halkaan ka akhri
Qalabka Warbaahin dalka Kanada ayaa lagu shaaciyey in Dowladda Canada ay ku dhawaaqday in kooxda Shabaab ee Soomaaliya ay u aqoonsatay koox argagixiso ah, kadib markiii ay sheegtay in ay ogaatay kooxda la shaqeyso ururka Al-Qaacida.
Waxaa Arrintan ka dhawaajiyey Wasiirka Amniga Dowladda Canada oo ka hadlay go’aanka ay dowladiisu ay ka qaadatay dhaqdhaqaaqa Alshabaab, wuxuuna sheegay in  talaabo kasta oo ay uga hortagayaan dhaqdhaqaaqyada Xarakada Al-Shabaab ka sameeyeen dalka Kanada si aysan saamayn ugu yeelan shacabka dalka kanada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in ay ka hortagayaan lacago dalkeeda loogu aruurinayo Xarakada Shabaab kadib warbixin dhinacyo badan leh oo ay ka heleen Soomaalida ku nool Dalkaasi.
Wasiirka Amniga Dowladda Canada Vic Toews oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Al-Shabaab waa koox argagixiso Liiskaasi ayaana ku darnay, talaabo kasta oo looga hortagayo falalka dhaqaale aruursiga iyo qorista Ciidamo ka mid noqda ururkaasina waynu ka hortagaynaa”.
Sida la wada ogsoon yahay dhowaan ayay ahayd markii dowladda Ingiriiska Liiska Argagixisada ku dartay Xarakada Shabaab, isla markaana sheegtay qofkii lagu arkaa isagoo dhaqaale u aruurinaya ama la shaqeynaya ururkaasi u arki doonaan qof Dambiile ah.
Balse waxaa la yaab ah hadalka ka soo yeeray Saraakiisha iyo madaxda ugu saraysa Xarakada Shabaab  ee ahaa in ay ku faraxsan yihiin haddiiba dalalka Reer Galbeedka u aqoonsadeen Xarakada Al-Shabaab  in ay yihiin koox ka mid ah  Argagixisada Caalamiga ah.
SomaliSwiss Muqdisho
The Government of Canada Lists Al Shabaab as a Terrorist Organization
OTTAWA, ONTARIO — (MARKET WIRE) — The Honourable Vic Toews, Minister of Public Safety, today announced that the Government of Canada has listed Al Shabaab as a terrorist group, effective March 5, 2010, pursuant to the Criminal Code of Canada.
“This Government will not tolerate terrorism and is determined that terrorist groups do not receive support from Canadian sources,” said Minister Toews. “Listing this group is another example of the decisive action needed to make Canada’s communities safe. Canada is once again showing vigilance in the global fight against terrorism.
The decision to list Al Shabaab meets the legal threshold set out in the Criminal Code, which requires the existence of reasonable grounds to believe that the entity has knowingly participated in or facilitated a terrorist activity or is knowingly acting on behalf of, at the direction, or in association with such an entity.
The Government is taking this step to help protect Canadian families from the activities of this organization. The Government received reports from the Somali community that Al Shabaab has attempted to radicalize and recruit young Canadians. The listing of Al Shabaab will help the Government of Canada to better support the Somali community of Canada.
The objective of this listing is to help combat terrorist activities, including impeding terrorist financing. For example, the listing prohibits all persons in Canada as well as every Canadian abroad from knowingly dealing with assets owned or controlled by Al Shabaab. In addition, it is an offence to knowingly participate in, contribute to, or facilitate certain activities of a listed entity. Other related offences are set out in the Criminal Code.
The listing process requires extensive analysis of security and/or criminal information and intelligence to ensure that the decision to list meets the legal threshold.
The names of listed entities under the Criminal Code can be found on the Public Safety Canada Web site at www.publicsafety.gc.ca under National Security, Listed Entities.
Source: www.publicsafety.gc.ca
Filed under: Muqdisho, SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.