Bannaanbax looga soo horjeedo Switzerland, isla markaana lagu taageerayo haggoomiyaha dalka Libya oo ka dhacay Tripoli.

Halkaan ka akhri

TRIPOLI – Galabnimadii shalay ayaa boqollaal qof oo ka mid ah Shacabka Libya waxaa ay u soo banaanbaxeen taageeridda hoggaamiyahooda Mucammar Al-Gheddafi, waxayna isugu soo bexeen Beerta aqaaran weyn ee ku taala magaalada  Tripoli  ee dalka Libya.

Sida lagu soo warramay Bannaanbaxayaasha ayaa waxay farta ku fiiqeen Siyaasadda wadanka Switzerland, waxayna ku dhawaaqeen oo ay ku celceliyeen in ay Jihaad lidku ku ah la geli doonaan dalka Switzerland.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in goobta lagu kulmay ay khudbado ka jeediyeen madax sare oo ka tirsanaa dowladda uu hoggaamiyo Mucammar Al-Qadaafi, waxayna dowladda Swiss-ka weydiisteen in ay raalli gelin ka bixiyaan xumaantii iyo  dadkii liiska madow ay ku qoreen, isla markaana wadamada ku jira Nidaamka Schengen ay ku raaceen xannibaada safarradii dadka libya ay ku tagi lahaayeen dalalka Yurub.

Ugu danbeyntii waxaa dibadbaxaas laga soo saaray warqad lagu caddeynayo in Libya ay Swiss-ka ka Cunaqabataysay dhinaca dhaqaalaha, Sidoo kale Libya waxaa ay diiday in ay wada hadallo la gasho dowladda Switzerland.

 SomaliSwiss Tripoli

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: