Halkaan ka akhri
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wada qoorshe ay ku doonayso inay dib ugu qabsato Magaalada Muqdisho oo ay inteeda badan gacnta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Maxamed Geelle Kaahiye oo Wargeyska New York Times wareysi siiyay ayaa sheegay in dowladdiisu  ay diyaarsatay ciidamo ku filan oo la wareegi kara magaalada Muqdisho.
Jen. Kaahiye oo ka hadlayey dagaalka ay dhawaan bilaabi doonaan, wuxuu yiri: “Gargaarkii hubka ahaa ee ay dowaldda Mareykanku noogu deeqday wuxuu naga caawin doonaa inaan dib u qabsanno Magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan”.
Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga walwalsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan inay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin la wareegto awoodda guud ee dalka ayna dowladda xididada u siibto.
Mar wax laga weydiiyey Jen. Maxamed taageerada ay siin doonto dowlada Mareykanka ayaa waxaa uu sheega y in ay dowladiisa soo dhaweynayso gargaarka hubka ah oo ay siin doonto dowlada Mareykanka ayna ka caawin doonto qabsashada Muqdisho.
Jeneraalku wuxuuna intaa uu raaciyey ee uu sheegay in talooyin ay ka helaan Mareykanka, kuwaasoo ku aadan sidii ay dagaal ula geli lahaayeen xoogaga Islaamiyiinta ah, ayna yihiin kuwo faa’iido badan u leh inay dalka oo dhan qabsato Dowladda Soomaaliya
Sarkaal horay ugu hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hal askari oo Mareykan ah uusan cagaha dhigeyn Soomaaliya, balse uu ka kaalmeyn doono dhinacyada ciidamada iyo hubka.
Sida la wada ogsoon yahay dalka intiisa badan ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakatul Shabaabul, iyadoo ku hanjabtay inay la wareegi doonto dalka oo dhan, taasoo cabsi weyn ku ahayd Dowladda Soomaaliya oo ka baqaysa in la afgenbiyo.
 SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.