Banaanbax looga soo horjeedo Ururka Xisbul Islaam oo Maanta ka dhacay degmada Wardhiigley magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Banaanbax looga soo horjeedo Ururka Xisbul Islaam ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxaas ay isugu soo baxeen dadweyne careysan oo isugu jiray Rag iyo dumar.

Sida lagu soo warramay Banaan baxayaasha ayaa taayaro ku gubay Xaafada Xararyaale, iyagoona dhagxaan ku weeraray Saldhiga Booliska degmada Wardhiigley oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Xisbul Islaam.

Qof ka mid ah dadka  deggan deegaankaas  ayaa Wakiilka SomaliSwiss oo tagay halka isu soo baxa  ka soconayey wuxuu sheegay in dadweynaha ku nool  Xaafada Xararyaale ay ka caroodeen Haween ay kufsadeen Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam, taasoo la sheegay in ay ka dhiidhiyeen.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam ayaa xaqiijiyay banaan-baxa, hase ahaatee waxay dhab ahaan ka gaabsadeen qaabka uu u dhacay iyo waxa looga soo horjeeday, waxaana laga maqlayay Xaafada Xararyaale rasaas u muuqatay mid lagu kala erinayay dadkii banaan baxa isugu yimid.

Si kasta ha ahaatee banaan-baxan ayaa noqonayaa kii u horeeyay oo dadka reer Muqdisho ku muujiyaan cabashadooda, isla markaana si geesinnimo ah  uga hor yimaadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo falal cabsi gelin ku haya shacabka, islamarkaas ku gabbanaayo guryaha dadka Maatada.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: