Halkaan ka akhri
Warka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka ay ka fiirsaneyso in ay qaadato go’aan la mid ah kan ay qaateen Midowga Yurub oo ah in ay tababar u sameynayo Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxa Hoggaanka qorshooyinka taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa Major Richard J. Sherlock  ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay ka fiirsaneyso in ay ku biirto dadaalada Midowga Yurub ay ku doonayaan in ay ku tababaraan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya tasoo uu sheegay in ay gacan ka geysan karto ka hortaga iyo la dagaalanka waxa uu ugu yeeray kooxaha aragixisada ee geeska Africa.
Mas’uukan ayaa waxa uu tibaaxay in ay jirto fursad wax ku ool ah oo ku aadan in Mareykanka uu iskaashi kala sameenayo Midowga Yurub dhinaca tababarida Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo wadanka Uganda.
Sidoo kale Mr. Sherlock ayaa wuxuu intaasi ku daray in Mareykanka uu ka fiirsanayo in uu gacan ka geysto dadaalada caalamiga ah ee lagu taageerayo Dowladda KMG Soomaaliya ee uu hogamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sida la wada ogsoon yahay dowladda Washington ayaa ka leexleexanaysay ku dhawaad mudo 20-sano in ay ka qeyb qaadato dadaalada lagu taageerayo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo loo arko in muhiim ay u yihiin nabad ku soo celinta dalka colaaduhu halakeeyeen ee Soomaaliya.
Haddaba haddii laga dhabeeyo ama uu run noqdo hadalka ka soo baxay dowladda Mareykanka ee ku aadan in ay gacan ka geysanayo tababarka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda Spain ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay Hormuud ka noqn doonto howlgalka Midowga Yurub ay ku doonayaan in dalka Uganda bisha May ay dowladda KMG Soomaaliya ugu tababaraan ciidamo gaara ilaa iyo 2-ku oo Askari ayagoona sheegay in ku dhawaad ay howlgalkaasi ay u dirayaan ilaa iyo 200 oo saraakiil taba barayal ah.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.