Halkaan ka akhri
Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo  oo magaciisa la yiraahdo Raage Axmed, isla markaana ahaa ganacsade caan ka ah koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa xalay bartamaha magaaladaasi ay ku dileen dablay hubaysan.
Sida warku inagu soo gaaray Marxuumka la dilay ayaa la leeyahay  in dilkiisa ay ka danbeeyeen saddex dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa bastoolado, markii ay dileen kadibna ka baxsadeen goobtaas.
Hase ahaatee Marxuumka ayaa ka soo baxay ka hor inta aan la dilin Masaajid ku yaala xaafad ka mid ah Xaafadaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, kadibna dablay aan heebtooda la garanin toogasho ku dileen.
Dhanka kale ma cadda ujeedka loo dilay iyo cida ka danbeysa dilka loo geystay ganacsade Raage Axmed, balse waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka danbeeyeen fal dambiyeedkaas xalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo.
SomaliSwiss   Gaalkacayo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.