Halkaan ka akhri
Salaadii jimcaha kadib ayaa waxa uu sheegay hogaamiyaha ururka xizbul islaam in Axmed madoobe uu ka mid yahay mas’uuliyiinta uga sareysa ururka xizbul islaam ee gobalada jubooyinka.
Sidoo kale Sheikh Daahir ayaa sheegay warka ka soo baxay Farxaan Ciilmooge uu yahay mid shaqsiyan ah, isla markaana uusan ka saari Karin Axmed Madoobe Ururka Xizbul Islaam.
Dhanka kale sheekha ayaa ku dheeraaday qilaafaadka u dhaxeeya kooxaha islaamiyiinta in ay yihiin hadalo sidaasi oo kale ah kaasi oo dhibaato ka dhex abuuri karta Ururada islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya.
Sheikh Xasan Daahir ayaa qiray in Axmed madoobe yahay Sarkaal ka mid ah ururka xizbul islaam, wakiilna uga yahay Gobolada Jubooyinka xiligan aysan jirin cid ka saari karta ka mid ahaanshaha Ururkaasi.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.