Ciidamada AMISOM oo fariisin cusub ka samaystay Isbitaalkii hore Digfer ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramay in saakay ay fariisin cusub ka samaysteen isbitaalkii hore ee Digfer halkaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanka ka ag dhow Isbitaalkaas ayaa waxay sheegeen saakay in ay ku tooseen dhawaqa gaadiidka Taangiga iyo gaadiid kale oo fara badan,  kuwaas oo ay dusha ka saarnaayeen Ciidamada AMISOM oo gudaha u galeen dhismaha Isbitaalkaasi.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda lama oga ujeedada ka danbeysa in ay soo galaan Ciidamada AMISOM  Isbitaalkii hore ee Digfer oo ay horay u daganaayeen ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya.

Si kasra ha ahaatee kooxaha islaamiyiinta ayaa wada dhaqdhaaqyo ka dhan ah ciidamada AMISOM ee saakay ku soo faafeen dhanka isbitaalka Digfer waxaana laga cabsi qabaa in ay dagaalo ku dhex maraan halkaas.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: