Halkaan ka akhri
Waxaa lagu soo warramayaa in qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ay walaac fara badan ka muujinaya fatahaad laga cabsi qabo inuu sameeyo wobiga Shabelle.
Hase ahaatee Wwxaa arrintan qeylo dhaan ka muujiyay maamulka magaalada Jowhar, wuxuuna maamulka uu baaq ku jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqo talaabooyin suurta gal ka dhigi kara in laga hor tago fatahaad uu sameeyo wabiga.
Sida la soo sheegay Tuulooyin ku yaala dhinaca bari ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ka jira cabsida ugu badan, iyadoo biyo fara badan la sheegay inuu waliba la ciir-ciirayo.
Si kasta ha ahaatee dhowaan ayay aheyd markii fatahaad uu sameeyay wabiga qasaare ka soo gaareen dadka ku dhaqan gudaha gobolka Shabellaha Dhexe iyo meelo kale.
SomaliSwiss      Jowhar
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.