Dowladda Maraykanka oo ka codsatay wadamada Afrika in kooxaha burcad Badeeda Soomalida lagu maxkamadeeyo wadamadooda.

 

Halkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa ka codsatay  in wadamada Afrika ay aqbalaan in wadamadooda lagu maxkamadeeyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida xiliga ay gacanta ku soo dhigaan Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Biyaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya  wadanka Tansania Dr. Alfonso ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay ka doonayso wadamada Afrika in ay codsigaas ogolaadaan in kooxaha burcad badeeda lagu maxkamadeeyo wadamadooda.

Dhanka kale Danjiruhu wuxuu tilmaamay in labada dowladood ee haatan Afrika ku yaala ee ogolaaday in burcad badeeda wadamadooda lagu maxkamadeeyo ay yihiin oo kaliya wadamada Kenya iyo Shishalis isagoo tilmaamay in wadamada kale ee Afrika ay waajib ku tahay intalaabo taas la mid ah ay qaadaan.

Hase yeeshee hadalka Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya dalka Tansania ayaa imaanaya xili dowladda Maraykanku ay dhawaan sheegtay in weeradada kooxaha burcad badeedu ay ku qaadaan Maraakiibta Shisheeye ee ay ku guuleystaan boqoliiba 40 ay hadda hoos u dhaceen.

SomaliSwiss       Daarsalaam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: