Halkaan ka akhri
Waxaa saakay degaan xasilooni ah ay ka jirtaa xaafadaha degmada Hodon oo shalay ilaa xalay dagaal xooggan ay  ka dhacayeen in kastoo halkaas ay wali isku hor fadhiyaan ciidamada dowlada KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Goobihii ay dagaaladu ka dheceen ayaa waxay yihiin kuwo aad u xasiloon, islamarkaana aan laga maqlayn wax rasaas ah oo goobahaas ka dhacaysa xili dagaalo aad u qaraar ay shalay ilaa xalay ka dhacayeen.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramaya in dadka yar ee ku haray xaafado ka tirsan degmada Hodan ayaa saaka halkaas isaga baxayay,kuwaas oo ka cabsi qaba in dagaalo kale ay halkaas ka qarxaan.
Dhanka kale Ganacsiga suuqa bakaaraha ayaa saaka ku furmay jawi degan maadaama ay shalay dagaaladii cuslaa ay saameyn ku yeesheen ka dib madaafiic suuqa ku soo dhacday oo geysatay waxyeelo kala duwan.
KHASAARAHA DAGAALKA
Wakiilka Shabakada  SomaliSwiss oo booqday  goobaha caafimaadka iyo xaafadaha magaalada, ayaa inoo soo sheegay  in khasaaraha dagaaladii qaraaraa iyo madaafiicdii lagu garaacay magaalada muqdisho ay sii badanayaan saacadba saacada ka danbeysa.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaaladii shalay dhacay ay waxyeelo ka geysteen xaafado ka duruqsan goobaha lagu dagaalamay sida Degmada Deyniile waabari iyo xaafado kala duwan oo ay ku jiraan howlwadaag iyo hodon oo ahayd goobtii lagu dagaalamay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhimashada ay ka badan tahay 15-ruux halka dhaawacana uu ka badan yahay 50-kale sida ay sheegayaan kooxaha gurmadka deg dega ah iyo goobaha caafimaadka in kasta uu intaa ka badan karo.
Hase yeeshee dagaalada ka qarxa Caasimada Muqdisho ayaa intabadan waxaa khasaare uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada, taas oo keenta in dad badan oo rayid ah ay ku nafwaayaan kuwa kala ay ku dhaawacmaan.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.