Halkaan ka akhri
Taliyaha gurmadka ciidanka Booliska dowlada KMG ah ayaa sheegay in dagaalkii shalay aysan jirin wax dhibaata ah oo ka soo gaaray Ciidankooda, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliska ay ku sugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale C/llaahi Cismaan oo ah taliyaha gurmadka ciidamada Booliska ayaa wuxuu beeniyay hadalo ka soo yeeray xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah oo ahaa in dagaalka ay ku jabiyeen ciidamada dowlada islamarkaana ay ka saareen goobihii ay ku sugnaayeen.
Taliyuhu wuxuu intaa uu raaciyey in aysan jirin wax hub ah oo laga qabsaday iyo dhibaato soo gaartay ciidamada waxa uu xusay in dagaalo ay ku soo qaateen xoogaga ka horjeeda,islamrkaana ay iska caabiyeen sida uu hadalka u dhigay.
Balse  Masuuliyiin u hadashay Al-shabaab iyo xixbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii shalay ilaa xalay ay guulo ka gaareen, islamarkaana ay ciidanka dowlada KMG ah ay kala wareegeen goobihii lagu dagaalamay hub iyo gaadiidna ay ka qabsadeen.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.