Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo isku shanadheeyey golahiisa wasiirada, Akhri liiska.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegaya in saakey uu ka dhacdey xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe Xaflad lagu dhaarinayey xubno  ka tirsan Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno ah kuwaasoo habeenkii hore la magacaabey.

Sida la sheegay Xafladaan dhaarta ah ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Farole iyo ku-xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire halkaasoo hadalo ka jeediyey ku aadan isbadlka lagu sameyey Wasiirada la magacaabe.

Waxaa xafladan Khudbad dardaaran ah ka jeediyey Madaxweynaha Puntland, wuxuuna sheegey in Wasiirada iyo ku-xigeenada cusub looga baahan yahay dar-dar galin ta howlaha xilalka loo magacaabey madaama xubnaha la badaley habacsanaan xoogan ka ka muujiyeen shaqadooda.

Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa dhinaca kale sheegey in Wasiirada dowlada aysan hadda wixi ka dambeya fadhi ku yeelan doonin magalada Bosaso balse ku-xigeenada qaarkood iyo madaxda Wasaarada amniga joogi karaan.

Sida ay ku soo warrameen Saxaafadda Maxalliha dadweynaha Puntland ayaa guud ahaan soo dhoweeyey isbadalkaan lagu sameeyey golaha Wasiirada qaarkood iyo maamulka gobolka Barri.

Waxaa la sheegay in Isbadalkii lagu sameeyey Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la sheegay inuu  saameyn ku yeeshey Wasiiro hayey xillal muhiim ah sida Wasaradaha amniga, Caafimaadka iyo Qorsheynta.

Hase yeeshee Isbadalka uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Puntland ayaa yimid xili shacabka guud ahaan dalbanayeen in dowladda wax ka qabato amniga guud.

Waxa uu  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland uu magacaabay iyo iskuna  shandheeyey Golahiisa wasiiradda Puntland waana sida hoos ku qoran;

Gen Yuusuf Axmed Kheyr
Wasiirka Wasaarada Amniga & DDR

Cali Yuusuf Cali Xoosh
Wasiirka xigeen Aminga iyo DDR

Dr.Wasir Qorsheynta iyo xirirka Caalamiga
Dr Daa’uud Maxamed Cumar

Pro Cabdulqaadir Cabdi Xaashi
Wasiiru dowlaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah

Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi
Wasiirku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Xiriirka Caalamiga

Wasiirka Dakadaha iyo Gadiidka Badda
Siciid Maxamed Raage

Wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha
Xasan Faarax Jaamac

Cabdi Maxamuud Maxamed
Wasiirku xigeenka ganacsiga

Dr Cali C.laahi Warsame
Wasaarada Caafimaadka

C.khaliif Xaaji Xasan Aw axmed
Wasiirka Cadaadalada iyo Dhaqan celinta

Cabdi Yaasiin Xirsi
Wasiir ku xigeenka ka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

Crisaaq Maxamed Ismaaciil
Wasiirku Xigeenka Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose

Cabdi Shakuur Mire Aadan
Wasiirka Xigeen Wassaarada Howlaha Guud iyo Gadiid

Cabdulqaadir Muuse Yuusuf
Wasiirku xigeenka Wasaarada Kaluumeysiga

Maxamed Cabdulaahi Saalax Deer
Wasiirku xigeenka wasaarada kaluumeysiga

Saynab Ugaas Yaasiin
Wasiirka ku xigeenka wasaarada Haweenka Qoys

Cali Axmed Gamuute
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada

Cabdiqani Salaad Yuusuf
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta

Maxamuud Maxamed Sheekh Ibraahim
Wasiirku xigeenka Wasaarada beeraha iyo waraabka

Sidoo kale waxaa Digreetada Madaxweynuhu lagu sheegey cida xilalkoodii wayday oo kala ahaa Wasiiradan:-

1- Cabdulaahi Saciid Samatar.
2-C/risaaq Yaasiin Abdule Geesood
3-C/laahi Cali Xirsi
4-Faarax Aadan Dhalac
5-C/risaaq Xuseen Gaceyte
6-C/xakiin Faarax Cali
7-Dr Bashiir Cali Biixi
8-Xaliimo Maxamud Maxamad

SomaliSwiss   Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: