Halkaan ka akhri
Kadib markii ay isku raaceen Golaha Qaranka Swisska in wax laga beddelo heshiiska wax kala beddelashada Xorta ah ayaa waxaa sidoo kale Gò’aankaas u ansixiyey Golaha dowladaha Kantoonada ee dalkan Swiss-ka.
Barlamaanada dowladaha Kantoonada ayaa Sanadkii tegay bishii Juun 2009ka ay qalanka ku duugeen heshiiskii ay la galeen Ururka Reer Yurub ee wax kala beddelashada Xorta ah, kaasoo ay ka mid tahay dalkan Swisska iyo Golaha Xiriirka Wadamada Kaliijka, kuwaasoo kala ah; Bahrain, Qatar, Kuwait, Oman, Arabia Saudita, Emirati Arabi Uniti.
Dhanka kale waxaa hoosta laga xariiqay in heshiiskan uu sahlayo ama khafiifinaayo dhoofinta waxa ay soo saarto Switzerland, kuwaas oo ka mid ah, waxa laga soo Saaray Beeraha oo dib loo Warshadeeyey, hase yeeshee waxaa meesha laga saaray Cunshuurihii  dekadaha looga qaadi jiray waxyaabaha la Warshadeeyey.
Wasiiradda dhaqaalaha ee Federaaka Swisska Doris Leuthard ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan ii albaabada u furaayo Maalgeliyaasha Switzerland inay ka faa’ideysan doonaan ganacsiga Suuqaas, hase ahaatee Wasiiradda waxay intaas ay raacisay in heshiiskan uu yahay mid Mabda’iyan uu keeni doono horumar isbeddel leh.
Sannadkii 2008da Swissku wuxuu u dhoofiyey Wadamada khaliijka badeeco lagu qiimeeyey 5,9 Milyaard Frs, waxayna badeecadaas ay kala ahaayeen noocyada Sacaada, Daawooyinka iyo Dhagayaga qiimaha leh iyo waxyaabaha ay haweenka ay xirtaan ee qiimo leh oo  lagu magacaabo gioielli, sidoo kale badeecadaha uu soo dhoofsaday waxaa lagu qiyaasay lacag dhan 970 milyan oo Frs-ka ah.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.