Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay hareeraha xarunta Madaxtooyada dagaal xooggan oo  u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo xoogaga Mucaaradka, waxaana dagaalkaas uu yimid kadib markii weeraro ay soo qaadeen mucaaradka.

Sida lagu soo warramay  waxaa jiray Madaafiic tira badan oo la isku weydaarsanayey  dagaalka ayaa waxay ku dhaceen xaafadaha Xararyaale iyo Geed jaceyl oo ka tirsan degmada Wardhiigley, kuwaasoo sababay dhaawacyada ilaa dhowr ruux.

Bulashada Reer Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ku naaloonayey  xaalad nabadeed, hadana dagaaladii xalay waxay u muuqdeen dagaaladii looga bartay caasimada ee ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa.

Waxaa ilaa iyo hadda aanay  ka hadlin Dowladda KMG iyo Xoogaga Mucaaradka dagaaladii xalay dhex maray, mana jirto cid xaqiijin karta qasaaraha kala gaaray dhinacyadaasi, ha yeeshee dadka rayidka ayaa ugu badan kuwo ay dhibaato ka soo gaarto marka ay dhinacyadan dagaalamaan.

Si kasta ha ha ahaatee Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa ku sugan Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, waxaana ammaankooda suga Ciidamada AMISOM oo ku waardiyeeya Dabaabaadka iyo gawaarida qafilan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: