Halkaan ka akhri
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa la filayaa in la soo taago Maxkamad ku taala wadanka Mareykanka, isagoo loo heysto tacadiyo ka dhan ah dadka shacabka oo la sheegay inuu galay xilligii uu shaqeynayay.
Sida la sheegay waxaa dacwadan ku soo ooga Mudane Maxamed Cali Samatar Soomaalida degan waqooyiga Mareykanka, waxaana la filayaa in dacwadiisa la horgeeyo maxkamadda.
Hase yeeshee Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar ayaa wuxuu ahaa wasiirkii gaashaan dhigga xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, isagoona iska fogeeyay eedeymaha isaga ka dhanka ah.
Sidoo kale waxa uu ku dooday in uu ilaalin jiray waajibaadkiisa shaqo xilligii uu shaqeynayay, wuxuuna tilmaamay tacadiyadaasi lagu soo oogay inay yihiin kuwo dhacay markii ay burburtay dowladdii uu isaga Ra’iisal-wasaaraha ka ahaa.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar wuxuu baaq u jeediyay in la dhowro sharci sheegaya in aan wax dacwad ah lagu soo oogi karin qof mas’uul ka ahaa wadankiisa ee degan gudaha wadanka Mareykanka.
SomaliSwiss   New York
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.