Hay’ada gargaarka ugu qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya ee (OCHA) oo ka warbixisay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hay’adaha gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya (OCHA) ayaa warbixin ka soo saaray Xaaladihii ugu dambeeyay ee Xagga bini’aadanimada Soomaaliya.

Hey’adda qaxootia ee UNHCR xafiiskeeda Kenya ayaa sheegay in xerooyinka Dhadhaab ay weli soo gelayaan qaxooti cusub oo Soomaaliya ka imanaya. Ilaa bishii Jannaayo, tiro ku dhowdhow 7500 oo qaxooti cusub ah ayaa la sheegay in laga diiwaangeliyey xerooyinkaas. Dagaalladii ugu danbeeyey ee Dhoobley ayaa dad gaadhayaa ilaa 2000 ay u qaxeen dhinaca xuduudda Kenya, sida lagu qoray warbixintaas

Itoobiya waxay ku soo warrantay in gobolka Soomaalida ee Itoobiya laga furay

xero labaad oo cusub oo kuwa qaxootiga ah si loo geeyo dadka ku soo barabaxay Somalia ee ku soo qulqulaya xuduudaha Itoobiya.

Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu qiyaasey ilaa 60,000 ayaa ku jira afarta xero ee Aw-Barre, Boqol-maayo, Qabri-bayax iyo Sheder oo ku dherersan xuduudahaasi.

Maalin kasta, dad lagu qiyaasay ilaa 200 oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay qaxooti ahaan u galaan Itoobiya.

Warbixintu waxay sheegtay in iska-horimaadyada joogtada ah ee magaalada Muqdishu ay keeneen barakac joogto ah.

Hayadda UNHCR waxay ku qiyaastay bishii February ee sannadkan oo qudha inay dagaalada Muqdishu barakiciyeen ilaa 22,300 oo qof.

Haddii xaaladuhu ay sidan ku sii socdaanna, waxa la qiyaasayaa in saddexda bilood ee soo socda ay barakici karaan dad ka badan 200, 000 oo qof, Muqdishu dhexdeeda

WFP waxay sheegtay in toddobaadkii hore gudihiisa ay geysey gobollada dhexe ee Somalia, gargaar cunno oo gaadhaya 4,000 oo meterik-ton, gargaarkaas oo laga soo dejiyeyey dekadda Berbera, lana soo mariyey waddada weyn ee isku xidha waqooyiga iyo koonfurta, ka dib markii uu sii xumaaday ammaanka waddadii isku xidhaysey Muqdishu iyo Gaalkaco, hanjabaado joogto ahna lagala kulmay kooxaha islaamiyiinta ah ee ka taliyaa marinnadaasi. Gargaarkaas WFP waxay sheegtay inay ka mid tahay dedaal ay ku doonayso inay wax ugu tarto kumannaan qoys oo abaaruhu ay saameeyeen oo ku nool gobollada Dhexe.

OCHA waa kale oo warbixinteeda ay ku sheegay biliqo iyo dhac loo geysto heydaha gaargaarka ee doonaya inay wax u geeyaan dadweynaha Somaliyeed ee ku dhibaataysan gobolo badan. Waxayna tusaale u soo qaadatay 23-kii Febraayo, oo WFP ay sheegtay in 50 qof oo hubeysani ay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay ku af-duubey, kuna bililiqeysteen cunto gargaar ah oo dhan 24 meterik-ton, ahna galley ay WFP soo dejisey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@jotmail.com

%d bloggers like this: