Halkaan ka akhri
 Wasiirka lacagta ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka dhawaajay in heer gabo gabo ay u mareyso lacagaha loo soo daabacayo dalka, kadib markii ay dhowaan heshiis la gashay Dowladda Sudan.
Sodoo kale Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in qorshihii u horeeyay ee lacag soo daabicida uu dhaqan galkiisa uu bilowday, waxaana uu sheegay in muddo shan bilood ama lix bilood kadib la dhameynayo.
Wasiirka oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Qorshihii u horeeyay lacag soo daabicida meel marintaas waa dhamaatay, hada waxaa la galay dhaqan gelinta lacagtaas iyo tayadeeda, sidii Caalamka ay u aqoonsan lahaayeen waa wax meesha ku jira”, wuxuuna intaas ku daray in lacagta ay Dowladda socod siin doonto.
Dhanka kale Wasiirka wuxuu sheegay in Dowladda ay ka baaraan dagtay sidii lacagahaas aanay u dhici laheyn in dad kale ay soo sameystaan, waxaana uu tibaaxay in lacagtan ay tahay mid sumad leh oo tayadeedana ay sareyso sida uu hadalka u dhigay.
hase yeeshee lama oga sida Dowladda KMG ay lacagahan ugu socod siin karto dalka Soomaaliya, iyadoo horay Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG ay sheegeen in lacagahaas aanay marna laga isticmaali doonin deegaanada ay Dowladda maamusho.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.