Halkaan ka akhri
Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in ay cuno qabateyn saaraan Dekadaha iyo Garoomada ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.
Sida lagu sheegay baaqan in Kulanka golaha ammaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika ay si qoto dheer waxaa looga hadlay arrimo ay ugu horeyso mida Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kulankaasi walaac fara badan ka muujiyeen xaaladda ka jirta gudaha Soomaaliya.
Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in mamnuucitaan xaga duulimaadka ah ay saarto Garoomo iyo dakado ay ku sheegeen in dhinacyo shisheeye ay taageero uga soo dejiyaan dhinacyada ka horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa arrintan sabab looga dhigay, sidii loo xakameyn lahaa hubka iyo saanadaha milatari ee ay helaan xoogaga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda KMG ee Soomaaliya.
Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa wuxuu baaq u jeediyay dowladaha Afrika in ay ku soo biiraan howlgalka Amisom ee lagu taageerayo dowladda KMG, waxaana uu soo dhoweeyay tobabarka ciidan ee wadanka Uganda uga socda ciidamo ka socda dowladda KMG.
Ugu dambeyntii Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika waxa ay sheegeen in amaan ay u soo jeedinayaan tababarayaasha loogu talagalay in ay gacan ka geystaan tababarka Ciidamada Booliska ee dowladda KMG ee ka kala socda wadamada Gana, Nigeria, laybeeriya, Uganda iyo wadamo kale kuwaasi oo la qorsheynayo in ay gacan ka geystaan tababarka Ciidamada Booliska ee dowladda KMG Soomaaliya
Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa hore waxaa ay u soo saartay baaq noocan ah in la xayiro garoomada iyo dekadaha ku yaala magaalooyinka ay xukumaan xoogaga hubeysan ee la dagaalama dowladda KMG.
SomaliSwiss  Addis Ababa
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.