Dowladda Ingiriiska oo mamnuucid kusoo roktay ururka Al-Shabaab, una aqoonsatay urur argagixiso caalami ah.

Halkaan ka akhri

Dowladda dalka Ingiriiska ayaa ku biirtay dalalka mamnuucay kooxda Shabaab oo ah urur argagixiso oo ka howl gala dalka Somalia, ka dib markii kooxdaasi loo aqoonsaday mid ku caan baxday fal dambiyeedyo ay daadisay dhigga dad fara badan oo soomaaliyeed.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha dalka Britain Alan Johson ayaa soo saaray go’aan wadanka Ingiriiska looga mamnuucayo Ururka Al-Shabaab. go’aankan ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabaab uu kamid yahay ururada Argagixisada caalamiga ah.

Go’aankan ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka danbeeya gudaha wadanka UK ay mamnuuc ka tahay in laga taageerro ama lacago looga uruuriyo ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale go’aankan dowladda Ingiriiska ay ku mamnuucday ururka Al-Shabaab ayaa waxaa macnihiisu yahay in dadka ku dhaqan wadanka UK aysan marna xiriir la yeelan karin ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan lacago u ururin karin.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Alan Johson waxaa uu sheegay in qaadashada go’aankan ay aad ugu adkayd, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aankani yahay mid lama huraan ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha dalka Britain Alan Johson ayaa waxaa uu sheegay go’aankan in la horgayn doono baarlamaanka Ingiriiska si ay u ansixiyaan.

Go’aankan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan dalka Ingiriiska kusoo wajahan yahay madaxweynaha dalka Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: