Hoggaamiyihii Ururka Mucaskar Raaskambooni Sheikh Xasan Turki oo Maanta ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheikh Xasan Turki) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Xisbul Islaam, isla markaasna ah hoggaamiyaha ururka Mucaskar Raaskambooni ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, ayaa lagu caddeeyey in magaca ay ku shaqeynayaan labada dhinac ayaa la sheegay inuu noqonaya kan kooxda Al-Shabaab, waxaana heshiiskas wada saxiixay oo qalamka ku duugay Sheikh Xasan Turki iyo Sheikh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Subeyr), iyadoo xubno kale oo labadan dhinac ka tirsan ay goob joog ka ahaayeen.

Wadaad lagu magacaabo Sheikh Max’ed Muxumad Cali (Dulyadeyn) oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay inay ka baxeen ururka Xisbul Islaam ayna ka mid yihiin wixii maanta ka dambeeya kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in go’aankaas ay qaateen kaddib shir dheer oo ay la qaateen Mas’uuliyiinta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa Xafladda ka hadlay  Sheikh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ku hadlay Afka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in midowgan uu hordhac u yahay mid lagu mideynayo dhamaan mujaahidiinta Soomaaliya.

Sheikh Fu’aad Max’ed Khalaf  oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Go’aanka lagu mideeynayo Mujaahidiinta ayaa la doonayaa in lagu xoreeyo dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka Bariga Afrika gaalada, jihaadka ka socda Soomaaliyana wuxuu xiriir la leeyahay midka ka socda caalamka ee uu horkacayo Sheikh Osama Bin Laden”.

Dhanka  kale xafladdan ayaa  waxaa goobjoog ka ahaa Sheikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Sheikh Ibraahim Aadan Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac oo maanta midoobay, hase yeeshee  kooxda Raaskambooni oo ka mid ahayd kooxihii ka qaybgalay dagaalkii Xisbul Islaam iyo kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Jubbada hoose.

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: