DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Kooxda Al-Shabaab ee la dagaalama dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa Maanta tababar u soo gaba gabeeyay maleeshiyaad ayaga taabacsan gudaha magaalada Muqdisho.
Munaasabad ay Kooxda Al-Shabaab ku qabteen xerada Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay kusoo bandhigeen maleeshiyaad ay usoo xireen tababar ciidan oo muddo u socday.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Al-Shabaab iyo xubno kale, waxaa ayna maleeshiyaadkii loo soo xiray tababarka ay u jeediyeen khudbado dhiiri gelin ah.
Afhayeenka kooxda al-Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay maleeshiyaadka cusub ee tababarka u dhamaaday in ay qeyb ka noqonayaan dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee jooga dalka gudahiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale ayaa halkaasi khudbad waxaa ka jeediyay afhayeenkii hore kooxda Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor, taasoo uu uga hadlay dhinacyo badan oo ku aadan dagaalada iyo marxaladda dalka.
Abuu Mansuur ayaa waxaa uu meesha ka saaray kuna tilmaamay waxba kama jiraan warar soo baxayay oo sheegaya in khilaaf ka dhex dheshay kooxda Al-Shabaab gudaheeda.
Si kasta ha ahaatee waxaan la xaqiijin karin maleeshiyaadkan cusub ee Al-Shabaab waxa ay ku soo kordhin karaan xaaladda adag ee haatan dalku ku sugan yahay, waxaana ay ku soo aadayaan xilli ay maalmihii u dambeeyay soo kordhayeen hanjabaadyo iska horjeeda.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.