HEES LAGA SAMEYEY QARIXII HOTEL SHAMOW.

DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Somali Song Mourning for the slaughter of teachers and students of Benadir University at Shamo Hotel on 3rd December 2009 by Al-Shabab terrorists. Somalis United against extremist ideas imported from over the world..
 

HEES CUSUB ~~ TANI MAYNA SUGEYSAY 2010 

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London ayaa si wadajir ah dareenkooda ku cabiraya hees wadani ah oo ka hadleysa masiibadii ka dhacday Hotel Shamow ee magaalada Muqdisho.

Heestan magaceeda waxaa la yiraahdaa (QEYLO DHAAN) waxaana si wadajir ah ugu wada luuqaynaya fanaaniin badan oo ay kamid yihiin, Nicmo Yasin, Jooqle Shire Jaamac, Aamina C/llaahi Cumar, C/raxman Sheikh, Xuseen Shire iyo C/xakiim Farayare, halka laxanka heestana uu sameeyay Alfanaan Mohamed Karaama, kuwas oo dareenkooda Soomaalinimo ku muujinaya heestan wadaniga ah isla markaana dadka Soomaaliyeed ugu qeylo dhaansanaya dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Heestaan qofkii dhagaystana waxa uu si dhab ah u milicsanayaa dhibataada iyo dabargo’a dadka waxtarka u leg dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lala beegsanaya qaraxyada iyo gumaadka aan dhamaadka lahayn ee ka socda dalka Soomaaliya .

Abwaan Cabdi Shire Jaamac ‘’ Ciyaar Jecel’’ ayaa ah abwaan dhalinyaro ah oo soo saara heeso iyo gabayo murti weyn xambaarsan, islamarkaana mar walba ku cabira marxaalada dalka uu maraya mar kasta, waxa ka mid heesihiisa heesta la yiraahdo’’ YAAN LA DOORAN, HALA DOORTO’’ oo uu kaga hadlayay Doorashadii lagu qabtey dalka Jabuuti oo run ahaantii fariimo kale duwan xambaarsan uu ku cabirayo waxa dadka ay doonayaan iyo waxaysan doonaynin.

ALLAHA U NAXARIISTO INTII KU GEERIYOOTAY QARIXII KA DHACAY HOTEL SHAAMOW EE MAGAALADA MUQDISHO, IYO WELIBA INTA BILAA MICNA UGU DHIMANEYSA DALKA SOOMAALIYA.

Somaliswiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: