Halkaan ka akhri
Wariyaha wakaalada wararka ee AFP uga soo warama dalka Soomaaliya oo la gudoonsiiyay abaal marinta xoriyadda saxaafadda ee sanadkan.
Mustafa Xaaji Cabdi Nuur ayaa habeenkii xalay la gudoonsiiyay abaal marinta xoriyadda saxaafadda ee sanadkiiba mar ay bixiso hay’adda u dooda suxufiyiinta ee CPJ.
Mustaga Xaaji Cabdi Nuur ayaa waxaa uu ku guuleystay kaalinta ugu horeysa ee Abaalmarinta lagu magacaabo (International Press Freedon Award), ka dib markii uu u soo dhabar adeegay howshiisa saxaafinimo gudaha wadanka Soomaaliya ee ay dagaalada la degeen, gaar ahaan Caasimada Muqdisho ayaa ku guuleystay abaalmarinta Key Press tasoo la xiriirata howl karnimmadiisa shaqo waxaana sidoo kale abalmarintaasi kula guuleystay wariyeyaal  kale.
Sidoo kale waxaa Abaal marintan ayaa la gudoon siiyay afar qofood: labo gabar iyo labo wiil oo mid ka mid ah uu xabsi ku jiro.
Wariye Mustafa Xaaji Cabdi Nuur oo ah wariyihii ugu horeeyay ee qaaday abaal marinta heerkan ah, ayaa waxaa uu xusay in ay ka tarjumeyso aqoonsi ay heshay saxaafadda Soomaaliya.
Mustafe oo ka hadlayay xafladii Committee to Protect Journalists ee lagu gudoonsiinayay abaalmarinta International Press Freedom Awards ayaa wuxuu yiri: ” Aqoonsiga aad i aqoonsateen wuxuu la mid yahay aqoonsi aad siiseen suxufiyiinta tirada yar ee ilaa haatan ka shaqeynaya Soomaaliya”.
Hase yeeshee Mustafa Xaaji Cabdi Nuur wuxuu intaasi ku daray in ururka CPJ ay mar walba ay la garabtaagnayeen wariyaasha shaqadooda u halista gashay, sidoo kale Mustafe wuxuu sheegay in  laga soo bilaabo sanadkii 2005ta waxaa gudaha dalka Soomaliya lagu dilay 18 wariye,balse  sanadkan oo kaliya waxaa gudaha soomaaliya lagu dilay 6 wariye.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.