Waa sidee Xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaray Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegay in Maanta ay xaaladeeda degan tahay, ka dib markii dagaalo xoogan ay ka dhaceen saacadihii u dambeeyay, kuwaasoo ka tagay khasaare lixaad leh oo badanaa soo gaaray dadka shacabka. magaalada Muqdisho

Sida ay wararku ay sheegayaan khasaaraha dhimashadu waxay gaarayaan ilaa 15 qof ah iyo tiro intaasi ka badan oo dhaawac ah, waxaana dhaawacaas ay yihiin dad rayid ah taasoo ka dhalatay madaafiic xoogan oo saacadihii u dambeeyay dhaceysay xaafadaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladdu ay saaka degan tahay.

Dagaalada ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo jihooyin kala duwna ka dhacayay; waxaana xalay, habeenkii labaad, dagaalo ay ka dhaceen Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Balse Xaaladda maanta ayaa guud ahaan magaalada Muqdisho aad u xasiloon, marka loo eego shalay oo jahwareer uu ka jira magaalada gudaheeda, iyadoo weli dad badan ay guryahooda ka maqan yihiin ka dib markii ay barakaceen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: