Halkaan ka akhri
Waxaa lagu soo warramayaa in saakay uu ka qarxay magaalada Muqdisho dhinaceeda waqooyi dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sidoo kale dagaalkan ayaa la isku adeegsanayay hubka waa weyn oo jihooyin kala duwan ay u dhacayeen dhinacyada u dhaxeeyo ee ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga mucaaradka hubeysan, waxaana dhawaaqa madaafiicda laga maqlayay xaafadaha ka fog aagaga uu dagaalku ka socdo ee degmooyinka Shibis iyo C/casiis iyo xaafadaha u dhow dhow deegaanadaasi.
Sida warbaahinta ay sheegtay in shalay subax ay deganayd xaaladda nawaaxiga Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, ka dibna xilligii gabalka ahaa uu dhacay weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday aagagaas.
Sidoo kale waxaa weerarkaas ka dhashay iska horimaad la’isku adeegsanayay madaafiic kale kaasoo socday ilaa goor dambe oo xalay ah, iyadoo khasaaraha aan weli laga war qabin.
Hase yeesjee weerarkan ayaa yimid, ka dib markii Ciidamada dowladda KMGÂ Soomaaliya ay shalay galab soo dhinac dageen Kulliyadda Jalle Siyaad taasoo weerarka loo sababeynayo inuu dhaliyay, sidaas waxaa laga soo waryey dadka deegaanka.
Xoogag hubeysan ee ka horjeeda dowladda KMG ayaa mar walba weeraro xoogan ku soo qaada xarumaha ciidamada ee dowladda ay ku leedahay magaalada Muqdisho, inkastoo aysan weli jirin cid sheegatay weerarkii ka dhacay Jaalle Siyaad.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.