Sarkaal ka tirsan Ururka Xizbul Islaam oo ka soo horjeestay furitaanka Garoonka Cisaley iyo Dekadda Ceelmacaan.

Halkaan ka akhri

Axmed Sh. Muxidiin Axmed Laashin oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xizbul Islaam ee magaalada Muqdisho, ayaa si xooggan uga horyimid furitaankii shalay ay Xizbul Islaam sheegeen in ay fureen garoonka diyaaradaha Cisalay iyo dekadda Macmalka ah ee Ceelmacaan.

Sarkaalkan oo ku jira golaha Shuurada ayaa saxaafada u sheegay in wax talo ah aan laga gelin furitaanka garoonka Cisalay iyo dekadda Ceelmacaan, arinkaasna oo uu ku tilmaamay in uu yahay wax aan fiicnayn.

Axmed Sh. Muxidiin Axmed Laashin ayaa yiri “Ma ah in dekadda iyo garoonka laga dhigo meel aan cidna laheyn oo aan laga soo gelin irida ee lagu wareejisto Tikniko waa in haddii wax la furayo loo soo maraa meel sax ah”.

Sarkaalkan Xizbul Islaam ayaa waxaa ay heyb ahaan is xigaan ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo horay gacanta ugu hayn jiray Dekada Ceelmacaan.

Axmed Laashin ayaa waxaa warkiisa laga dheehan karaa in Dekada la iskugu hayo hab beeleed oo qolo walba ay iyadu sheeganayso.

Ganacsatada taageerta garabka Ururka Xisbul Islaam ayaa arinkan ku dhaliyay in la furto Dekadda Ceelmacaan iyo Garoonkii Cisaley oo in badan xirnaa.

Ururka Xisbul Islaam ayaa shalay waxaa ay saxaafada u sheegeen in ay dib u howlgeliyeen garoonka Cisaley iyo dekadda Ceelmacaan, waxaana ay ugu baaqeen ganacsatada in ay adeegsan karaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: