Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowladda KMGSoomaaliya Sheikh Shariif Shekh Axmed ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero dheeraad ah u fidiyaan dowladdiisa si ay u soo celiso kala dambeynta iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa mar uu u waramayay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay imminka ka xoogan tahay markii la soo dhisay isagoona caalamka xusuusiyay in looga fadhiyo taageero xoogan oo ay siiyaan dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa xusay in ay isweydiiyaan dowladaha deeqda bixiya sida dhaqaale la’aan ay ku shaqeyn karto dowladda KMG Soomaaliya,isagoona carabka ku dhuftay in dowladda aysan inta badan helin balan qaadyo fara badan oo ay u sameeyeen wadamada Caalamka qaar.
Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay arkeen wajiga dhabta ah ee xoogaga hubeysan ee la dagaalama dowladda KMG Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in xoogagaasi ay ku guul dareysteen isku dayo ay ku damacsanaayeen in ay ku afgambiyaan dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay guul tahay in ilaa xilligan ay sii jirto dowladiisa, marka loo eego dagaalada lagu hayo.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa ku celiyay in ay jiraan xoogag shisheeye ah oo ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, taasoo walaac fara badan uu ka muujiyay khatarta ka dhalan karta, sidoo kale waxaa uu  walwal ka muujiyay dad uu sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda oo hub iyo macluumaad u gudbiya xoogaga mucaaradka, inkastoo qodobkaasi uusan si faah faahsan uga hadlin.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.