Halkaan ka akhri
Saddex Haween ah ayaa maalintii Isniinta ahayd loo kala Sharaxay inay kala noqdaan Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Qaranka iyo Golaha Barlamaanka Dowladaha, hase yeeshee waxaa toddobaankan loo magacaabi doonaa Madaxweynaha Kaltanka Konfederaalka ee Sanadka 2010-ka haweynayda imminka ah Wasiiradda Dhaqaalaha Doris Leuthard.
Waa markii ugu horreysay Taariikhda dalkan Switzerland uu gacanta u gela, saddexda Jago ee ee uga sarreysa ee Dastuurka Konfederaalka Saddex Haween.
Waxaa Isniintii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Qaranka Pascale Bruderer Wyss, waxayna ku guuleysatay oo u codeeyey174Cod, qaxaan goobta Codbixinta fadhiday 182 Xildhibaan.
Pascale Bruderer Wyss, dà deeda waa 32 Jir, waxay ka tirsan tahay Xisbiga Socialistaha argovia, waxayna beddeli doontaa haweynayda imminka haysa Xilka Guddiyennimada Golaha Barlamaanka ee magaceedu la yiraahdo  Chiara Simoneschi-Cortesi,waxayna ka soo jeedaa Kanton ticino.
Dhanka  kale laga soo bilaabo taariikhda Asaaska Barlamaanka dalkan Switzerland 1848dii ma ahan markii ugu horreysay ee ay qabtaan Haweenka xilka Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka ee waa markii 10aad.
Sidoo kale waxaa loo doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Barlamaanada Dowladaha haweynay la yiraahda magaceeda, Erika Forster Vannini,  oo 65 sano jir ah, kana tirsan Xisbiga  liberalka ee Kanton San Gallo, waxaana xilka kala wareegi doontaa  Alain Berset oo ka tirsan Xisbiga socialistaha.
Ugu danbeyntii waxaa la filayaa in Toddobaadkan dabayaaqadiisa  ay Xilka Kaltanka Madaxweynimada ee Sanadka 2010ka ay la wareegi doonto haweynayda imminka ah Wasiiradda Dhaqaalaha Doris Leuthard,
SomaliSwiss Swissinfo
Tarjume : Dr. Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.