Waa sidee Xaaladda Magaalada Muqdisho, ka dib dagaaladii cuslaa ee ka socday Saacadihii tagay?

Halkaan ka akhri

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka degan ka dib markii dagaal la’isku gabal dhacsaday ay ka dhaceen qeybo magaalada ka mid ah. kaasoo ka tagay khasaare fara badan.

Inkastoo xaalad degenaansho laga dareemayo goobihii shalay ilaa xalay dagaalada culus ka dhaceen ayaa hadana waxaa sii kordhay khasaaraha ay geysteen dagaaladaas oo ahaa kuwo culus oo watay Madaafiic.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubeysan, waxaa ugu yaraan ku dhimatay 14-qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20-qof, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah oo madaafiicda ay ugu tagtay goobo si aad uga fog halkii lagu dagaalamayay.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxaa uu ka dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, goobahaasi oo madaafiic iyo hoobiyeyaal tiro badan ay isku weydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalamayay.

Hase yeeshee Goobahii lagu dagaalamay ayaa laga dareemayaa deganaansho, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq dhaqaaqyadii caadiga iyo weliba isku socodka gaadiidka.

Dagaaladan ayaa si kala gaar-gaar ah waxaa uga hadlay dhinacyada u dhaxeeyay, iyadoo dhinacba uu ku eedeeyay dhinaca kale in uu leeyahay mas’uuliyadda qasaaraha soo gaaray shacabka.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Milatariga dowladda KMG Soomaaliya, Aadan Maxamed Ibraahim (Kaalmooy) ayaa waxaa uu sheegay in weeraro xoogan lagu ekeeyay xarumo ciidan iyagu ay leeyihiin, iyaguna ay iska caabiyeen.

Balse xog-heynta warfaafhinta Ururka Xisbul Islaam dhinaca, Sh. Maxamed Axmed waxaa uu isaguna sheegay in ay qasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Amisom, sida uu yiri. ayaa

Dhanka kale dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wafdi heer caalami ah ay soo caga dhigteen magaalada Muqdisho, wararkaasi oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, hase yeeshee waxaa jiray warar kale oo la xiriira Ciidamada Amisom ee Fariisamo ka Sameysanaysay xaruta Isbitaakii Digfer.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: