Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo kormeer gaaban ku tagay xerooyin ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Xooga dalka Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu  kormeer gaaban ku tagay xerooyin ay ku jiraan  ciidamo ka tirsan Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana ugu horreyntii uu booqday Xerada Xalane iyo Jaziira, halkaas oo ay  ku jiraan ciidamo gaaraya ilaa Labo Kun askari waxaana uu u jeediyay  hadal kooban oo bogaadin ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay ugu dhabar adeegaan siday  u hanan lahaayeen Qaranka Soomaaliyeed  oo Nabad ah.

Ujeedada Kormeerka Madaxweynaha KMG Soomaaliya ayaa aheyd mid uu ugu kuur galayay xaalada Ciidamada, isla markaana uu ugu niyad dhisayay, waxaana Ciidamada uu faray in ay la yimaadaan heybad Ciidannimo.

Madaxweyne  Sheikh Shariif ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheikh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Amniga C/llaahi Sanbaloonshe, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Gen. Dhuumaal iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Khudbad uu ciidamada u jeediyay Madaxweynuhu ayuu ugu baaqay in ay la yimaadaan karti, isla markaana ay ilaaliyaan nidaamka Ciidanimada, waxaana uu u faray in ay u diyaar garoobaan sidii dalka iyo dadka u difaaci lahaayeen.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa  u sheegay Ciidamada  in loo baahan yahay in laga fogaado  Qabyaalada iyo Kooxeysiga, isagoo cadeeyay in Dalka Soomaaliyed uu bur bur u keenay Qabyaalada, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada in ay la yimaadaan Midnimo.

Sheikh Shariif  oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Qabyaaladu waa qurun, waxaan idin kaga digayaa inaad ka dheeraataan kooxeysiga, Ciidan qaran noqda, dalkiina iyo dadkiina inaad daafacdaan ayaa la idinka doonayaa”, wuxuuna  Madaxweyne Shariif uu intaa ku daray in Kooxaha ka soo horjeeda ay yihiin ku aanay dooneyn Qaranimada iyo Calanka Soomaaliyed.

Waa markii ugu horreysay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya   uu ku tago Xerooyinka Ciidamada Dowladda lagu xareeyay, kuwaasoo haatan ay ku jiraan diyaar garow ah sidii ay ula howl geli lahaayeen Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: