Halkaan ka akhri
Dr. Raliya Sheikh Amin oo la soo xiriirtay SomaliSwiss ayaa waxaa ay inoo sheegtay in ay wado qoraalka BUUG ay uga sheekeyneyso Taariikhda Halgamaaga weyn ee Soomaaliyeed oo taariikh dheer ku leh dalka Soomaaliya Sheikh Xasan Barsane.
Dr. Raliya ayaa sheegtay in ay Buugan soo bandhigi doonto wakhtiyada soo socda, isagoona ku qoran Afka Soomaaliga, si ay uga faa’iideystaan dadweynaha Soomaaliyeed ee sida aadka ah u jecel taariikhyada Halgamayaasha Soomaaliyeed.
Qoraal hordhac ah oo ay ina soo gaarsiisay Dr. Raliya Sheikh Amin Sh. Xasan Barsne ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:–
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAH
Magacayga waa Raliya Sheikh Amin Sh. Xasan Barsane waxaana ku noolahay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Waxaan ka baxay Jamacadda Umadda Soomaaliyeed sanadka markuu ahaa 1987-kii, qeybta Luqadaha, waxaa uu             Major-keyga ahaa English minor-na waxaa ii ahaa French.
Buugii qalinjebinteyda Jaamacadda waxaan ka qoray Taariikh nololeedkii Allaha u Naxariistee Halgamaaga weyn ee Sheikh Xasan Barsane oo Taariikh dheer kuleh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxaan dib u qoris ku sameeyay buugii oo aan dib u habeyn (updating) ama casriyeyn ku sameeyay, hadda waxaan rabaa in aan idiin soo bandhigo Tusmadii buuga si aad iila qeybsataan, buuga waa (Draft) ama qabyo, waxaana rabaa in aan kusoo saaro sida ugu dhaqsiyaha badan Inshaa Allaah.
Walaalaha Soomaaliyeed waxaan rabaa qof walba iyo qofkii haaya macluumaad khuseeya Halgamaaga weyn Sheikh Xasan Barsane in uu iigu soo gudbiyo e-mail-kan. raliyaamin@hotmail.com
Waxaan aad u soo dhoweynayaa comments-kiina ama faaladiina.
TUSMADA BUUGA AYAA WAXAA UU U QORAN YAHAY SIDA TAN:–
Tusmada Buuga
Hordhac
Taariikhda Soomaaliya
Cutubka 1-aad:
Dhalashadiisii, Waxbarashadiisii, Guurkii iyo Caruurtii Sheikh X. Barsane
Cutubka 2-aad:
 Kor u qaadidiisii Diinta Islaamka iyo Maamulkiisii
Cutubak 3-aad:
Dagaalladii uu la galay Xabashidii (Abyssina).
Cutubka 4-aad:
Dagaalladii uu la galay Gumeysigii Talyaaniga.
Cutubka 5-aad:
Xabsigii Shiikh Xasan Barsane illaa dhimashadiisii
Cutabka 6-aad:Â Â
Aaskii Shiikh Xasan Barsane.
Cutubka 7-aad:
Soo dagiditaankii gumeysiga Talyaniga ee Jameecada Jilyaale.
———————————————————————————————————-
SomaliSwiss Yusuf Garabey London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.