Kooxda Al-Shabaab oo shaacisay in ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Afmadow ee G/J/ Hoose.

Halkaan ka akhri

War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Warfaafinta ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in barqanimadii Maanta oo axad ah kuna began 5-ta dul xaj 1430-hijriyada ay si nabad galyo ah Ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee gobolada Jubooyinka ay kula wareegeen degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in la wareegidda degmadaasi ay timid kadib markii isaga carareen Ciidamo uu watay Axmed Madoobe oo ay wehliyeen Ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF, waa sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska warfaafinta kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale War saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee gobolada Jubooyinka ee la wareegay degmada Afmadow ay degmadaasi ku soo dhaweeyeen dadwayne faro badan iyo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi, waxaana degmadaasi dib ugu soo noqday dadkii ka barakacay.

Hase yeeshee ma jiro wax war oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Ciidamadii horay ugu sugnaa degmada Afmadow ee Xisbul Islaam.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: