Xaflad Balaaran oo Shahaadooyin Lagu Gudoonsiinayay Aradayda Soomaaliyeed ee Wadanka Bangladesh.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Xafladan balaaran ayaa waxaa ay ka dhacday wadanka bangladesh gaar ahaan caasimadda Dhaka, hoolka shirarka ee jaamacadda ISLAMIC UNIVERSITY OF TECHNOLOGY (IUT) oo uu leeyahay ururka islaamka ee Organisation Of The Islamic Conference (OIC), waa xafladdi 23-aad ee ay qabato jamacadda IUT taasoo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardaydii ka qalinjabisay sanadkan oo ay kujireen arday Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Jaamacadani waxaa la aas aasay sanadkii 1981-dii waxaana ay tahay mirihii ka soobaxay kulankii   sagaalaad  ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ay ku yeesheen magaalada dhakaar ee dalka Senegal.

Dhagixii u horeeyayna waxaa dhigay madaxwaynihii xiligaas talada dalka Bangladhesh hayay Mr. Ziaur Rahman

Jaamacadani waxaa ay leedahay qaybaha kala duwan ee culuumta tiknoolajiyada sida:

Computer Science and Information Technology. (CIT)

Mechanical and Chemical Engineering. (MCE)

Electrical and Electronic Engineering. (EEE)

Instructional Training and General Studies (ITS)

Waxana ay bixisaa heerka kala duwan ee waxbarasho sida higher diploma, BS.C, Master ilaa Doctrate ama PHD.

Si kastaba ha ahaate  waxa ay u  ahayd   maalin farxad iyo damaashaad xambaarsan, ardaydii ka qalin jabisay jaamacada islaamiga ee culuumta tiknoolajiyada (IUT)ee dalka bangladesh,

Ardayda qalinjabisay waxaa kamid ahaa arday Soomaaliyeed oo gaaraysa ilaa sideed (8) arday, kuwaasi oo dhameeystay kuliyadaha kala duwan  ee jamacaddaan ay ka kooban tahay, ardaydan oo magacyadoodu kala yihiin:

1) Eng. Maxamed Sh. Xasan Xuseen (AAYATULAHI)

2) Eng. Maxamed C/laahi C/raxmaan (CATOOSH)

3) Eng. Xuseen Sayid Cumar Xamza

4) Eng. Xasan Cusmaan Haarun

5) Eng. Xasan C/raxmaan Xasan (GUDOOMIYE LIIMO)

6) Eng. C/xakiim Macow Axmed

7) Eng. C/qadar Xasan Sh. Salaad

8) Eng. Axmed Maxamed Cabdi (XANAANO)

Waxaa xusid mudan xafladaani ay kasoo qeeybgashay Ra’isal wasaaradda wadankan Bangladesh haweenayda lagu magacaabo SHEIKH HASINA, wasiirka waxbarashada, Mr. Nurul Islam, wasiirada arimada dibada Dr. Dipu Moni iyo madaxa ururka islaamka (OIC) Prof.Dr. Ekmeleddin Ihsanoglu, ayna aheyd booqashadiisa ugu horaysay ee uu ku yimaado jamacadda (IUT)

Ugu horeeyntii waxaa xafladda warbixin dheer iyo marxaladihii ay soomartay jamacadaan kasoo jeediyay gudoomiyaha jaamacadda (IUT), Prof. Dr. M. Imtiaz Hossain ayaa si faah faahsan uga warbaxiyay sida ay kusoo saareen dufcaddi 23aad ee ka qalinjabisay jaamacaddan, inkastoo uu shegay inta uu gudoomiyanimada jaamacadaba hayay uu qabtay wax lataaban karo yirina dadaalkayga waan kasii wadayaa halkaasi, isagoona hambalya gaar ah udiray ardaydii qalinjabisay oo muddo kusoo sabray waxbarashadoodi iyo ururka islaamka OIC oo iskuhoowlay soo saarida ardaydaan.

Sidoo kale waxaa qudbad isugu jirta dhiirigalin iyo waxqabad goobta ka jeediyay haweenayda raysalwasaaradda ka ah wadankan Bangladesh SHEIKH HASINA, iyo madaxweeynaha ururka islaamka ee OIC Prof. Dr. Ekmeleddin Ihsanoglu, masuuliyiintaasi oo dhamaan ardayda ku booriyay in ay waxtaraan wadamada islaamka ay matalayaan iyo kuwa kalaba sida ayagaba wax loogu qabtay loona taageray,

Gabagabadii xafladan ayaa waxay ku dhamaatay jawi farxad  iyo raynrayn kamuuqatay dadkii kasoo qayb galay munaasabadaan oo aay wajiyadooda laga dareemayay yidadiilo inkastoo aaynan muuqan dal iyo dad ay u laabtaan oo dhiirri galinaya farxada wajigooda saaran.

W/Qoray: Qadar Hassan

E-mail: muq_som@hotmail.com

DHAKA/BANGLADESH

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: