Muslimiinta ku nool Kanton Zürich oo Bannaanbax ashtako ah ka sameeyey Magaalada Zürich.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa malintii Sabtida ahayd Muslimiinta ku nool Kanton Zürich ay Bannaanbax ashtako ah  ka Sameeyey  Magaalada Zürich, waxayna isugu tageen Barxadda HelvetikPlatz, ujeedada Bannaanxan, ayaa ahaa  mid ay Muslimiinta ku raadsanaya xuquuqda Diineed ay xaqa u leeyihiin-

Sidoo kale Dibadbaxan ayaa la xiriira in Muslamiinta ay ku muujinayaan inay xaq u leeyihiin in dhismayaasha Masaajidada lagu astaameeyo Minaaradaha, taasoo dhaqan-diineed u ah Diinta Islaamka iyo dadka Muslimka ahba.

Kanton Zürich oo ah kantoonka ugu Muslamiin badan marka loo eego Kantoonada kale ee dalkan Switzerland, waxaana kanton ku nool Muslimiin lagu qiyaasay 250.000kun qof,  balse waxaa wax laga xumaado ah in Bannaanbaxan ay yimaadeen dad aad u yar oo tiradooda gaarayso ilaa 150 qof, taasi waa daciifnimo.

Si kasta ha ahaatee, waxaa halkaas khudbad ka  jeediyey Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Cagaaran ( Grüne Partai), wuxuuna sheegay  in Dastuurka Swiss-ka uu  qof kasta uu u oggol yahay inuu ku dhaqmo Diintii uu doono, sidoo kale  Xildhibaanku wuxuu rajeeyey in Codbixinta dhici doonto 29/11/2009 lagu guuleysan doono.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Muslimiinta iyo Imaamyada Masjidyada, waxaana goobtii kulanka Bannaanbaxa lagu tugtay Salaada Casar.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: