Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo gabaldhicii Caawa oo ka qarxay Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo  hubka noocyadiisa kala duwan duqeymo Madaafiicda Barta iyo Hoobayaasha , hase yeeshee dagaalkan ayaa ah mid fool ka fool ahaa markii uu galabta uu ka dhacayey Wadada Maka Al-Mukarama, Isgoyska KM4 ilaa Dabka.

Sida lagu soo warramay duqeymaha ayaa wuxuu si weyn u gil gileen xaafado ka tirsan Degmada Hodan iyo Howlwadaag oo dagaalo faraha looga gubtay ay ka dhaceen abaarihii 5-tii galabnimo.

Sidoo kale  wararka dagaalka  ayaa sheegaya in galabta qorax dhicii Xoogaga Hubeysan ay soo weerareen Isbitaalka Digfeer oo maanta ay fariisin ka sameysteen Ciidamada AMISOM, weerarkaas kadib ayaa waxaa bilowday dagaalo dhowr jiho ka soconayay, kaasoo qasaare kala duwan uu geystay, oo dad rayid soo gaaray, markii Madaafiic ugu tageen goobahooda.

Inta la og yahay waxaa dagaalkan ku dhimatay labo qof,  shan kale waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo madfac  habow ah uu ugu tagay Xaafada Barmuuda, waxaana dhici kara in qasaaruhu intaa ka badato,maadaama  ay tahay habeen.

Maxamed Cismaan Caruus oo ka mid ah Afhayeenada u hadla Xisbul Islaam ayaa sheegay in dagaalada ay ku qaadeen Ciidamada AMISOM ay kaga gol lahaayeen in ay ka hortagaan is ballaarinta AMISOM.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Milateriga Aadan Kalmoy ayaa sheegay in dagaal ay ku soo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay Nabad diid, isla markaana ay iska caabiyeen oo ay eryadeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaaladan culus ay soo gaaray ilaa caawa fiidkii, wuxuuna ahaa kii ugu xoog badnaa tan iyo mudooyinkan oo ka dhaca Magaalada Muqdisho oo xaaladeeda aheyd mid degan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: