Xaaladda Magaalada Kismaayo oo degan, kadib dagaal xoogan oo ka dhacay galbeedka magaaladaas.

 Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay degan xaaladda magaalada Kismaayo dhinaceeda galbeed halkaas oo uu dagaal xoogan shalay galab ilaa xalay Fiidkii uu ku dhex maray xoogag taabacsan Al-Shabaab iyo ciidamo uu wato Axmed Madoobe oo ka tirsan Xisbul Islaam.

Dagaalka oo shalay Sabti aheyd dhacay ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Sh. Axmed Madoobe, waxaana weerarkaasi sheegtay inuu ka dambeeyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.

Xasan Yacquub Cali oo ah Madaxa warfaafinta Jubbooyinka ee Al-Shabaab, ayaa waxaa kaloo uu sheegay in ay waxyeelo xoogan gaarsiiyeen ciidamada ay weerarka ku ekeeyeen; inkastoo uusan weli jirin war dhinaca kale ka soo baxay.

Madaxa warfaafinta Jubbooyinka ee Al-Shabaab Xasan Yacquub wuxuu intaa raaciyay in ay beegsan doonaan xarumo hor leh si buu yiri ay u fashiliyaan qorsheyaal iyagu ka dhan ah oo la damacsan yahay in laga fuliyo gobolada Jubbooyinka, sida uu yiri.

Dagaalka oo ka dhacay Deegaanka Birta-dheer shalay galab ayaa saaka la soo sheegay  in xaaladeeda ay degan tahay.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: