Ogeysiis Ogeysiis Munaasabadda Xafladda Ciidul-Adhxa oo lagu qaban doono Magaalada Bern ee dalkan Switzerland.

 Eid Mubarak  عيدكم مبارك 

Halkaan ka akhri

 Eid Mubarak      عيدكم مبارك 

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Bern  in la qaban doono Xaflad lagu weynaynayo Maalinta Munaasabda Ciidul Adhxa ee ku aadan Sabtida taariikhdu marka ay tahay 28, Nov, 2009.

Haddaba Guddiga qaban qaabada Xafladda Ciidul Adhxa waxaa sharaf weyn  u ah in Waalidiinta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda ay ka soo qaybgalaan Xafladda Ciidul Adhxa oo Astaan u ah maalmaha ay farxaan dadka Muslamiinta.

Sidoo kale  Soomaalida ku dhaqan caasimadda dalkan ee Switzerland ee (Bern), waxaa lagu wargelinayaa  in goobta lagu qaban doono Xafladda ay u kala qaybsan tahay laba qaybood, qayb Ragga ah iyo qayb Dumarka iyo Caruurta ah.

Xafladdan oo dhici doonto Maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 28, Nov, 2009-ka, Saacadda marka ay tahay, 10:00 – 18:00 UHR,  waxaana lagu qabanayaa.

Quartierzentrum im Tscharnergut.

Waldmannstrasse 17

3027 Bern – Bethlehem

Dhanka kale ka soo qayb galayaasha xafladdaas waxay ku imaan karaan Bus nomberka 14, richtung Gäbelbach, Station Blumenfeld.

Haddaba hadii aad doonaysid faafaahin dheeri ah, fadlan la soo xiriir Axmed Barrow. Tel: 076-499.90.38

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: