Ciidamada Amisom oo dhaqdhaqaaq xoogan ka wada magaalada Muqdisho, fariisin cusubna ka sameystay Xarunta Isbitaalkii Digfeer.

Halkaan ka akhri

Cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom ayaa saaka dhaq-dhaqaaq xoog badan ka wada koonfurta magaalada Muqdisho, waxayna isku fidiyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gudaha u galeen xarunta Isbitaalka Digfeer, halkaasoo la sheegayo inay ka sameysteen fariisin cusub.

Sida laga warqabay Xarunta Isbitaalkaas ayaa mudooyinkan deganaa Ciidamo dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo isla saaka isaga baxay, waxaana soo bedelay oo xaruntaa dhexdeeda lagu arkayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom.

Sidoo kale ma jirto cid xaqiijin karto in ciidamada Amisom ay deganaan doonaan xarunta cisbitaalkii Digfeer iyo in ay dib uga laaban doonaan, hasa ahaatee waxaa arrintan ay walaac fara badan ku abuurtay dadka degan hareeraha xaruntaasi.

Hase yeeshee Saaka aroortii ayaa waxaa la xiray wadooyinka waa weyn ee ku yaala aaga Km4, iyadoo aan la ogeyn sababaha rasmi ah ee ka dambeeya, waxaana la arkayey Taangiyada Ciidamada AMISOM iyo baabuurta gaashaaman kuwaas ku sii qulqulaya xarunta Digfeer oo ku taala degmada Hodan halkaas oo ay horay u joogeen Ciidamo ka tirsan.

Waxaa Dadka ku nool deegaanada ka agdhaw Digfeer ay xaqiijiyeen in Ciidamada AMISOM ay la wareegeen dhufeysyadi ciidamada Dowladda iyaga oo dhufeysyo kale ka sameystay cisbitaalka Digfeer oo aanan sidaasi uga figeyn barxada Tarabuunka.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada Amisom ayaa waxay ka degan yihiin magaalada Muqdisho goobo cayiman oo ay ku ilaaliyaan saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: