Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo amaanay ciidamada caalamiga ah ee la dagaalama kooxaha Burcad badeeda.

Halkaan ka akhri

War ay soo tebiyeen Wakaaladaha Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu sheegay in hor mar la taaban karo ay sameeyeen ciidamada caalamiga ee ku guda jira howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda.

Sidoo kale Banki Moon  waxaa uu sheegay in ay hoos u dhaceen weerarada ay Burcad badeeda Soomaalida ay la beegsadaan maraakiibta isaga goosha biyaha u dhow wadanka Soomaaliya, sababtuna ay tahay iyadoo maraakiib fara badan ay ku sugan yihiin badahaasi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in talaabooyin ka hor tag ah ay fuliyeen maraakiibtaasi; inkastoo qafaalashada maraakiibta ay weli halkooda yihiin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Burcad badeeda ay gacanta ku dhigay markab laga leeyahay dalka Ukrain, waxaana kaasi ahaa kii u dambeeyay oo ay qafaasheen Burcad badeeda Soomalida maalinimadii shalay aheyd.

Si kasta ha ahaatee Ban Ki Moon ayaa walaac fara badan waxaa uu ka muujiyay weerarada ay burcad badeeda ka fuliyaan goobaha ka baxsan Soomaaliya, inkastoo uu amaanay howlgalada lagula dagaalamayo burcad badeeda.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: