Minaaradda Masjidka MAHMUD Qadiimiga ah ee ku yaala Zurich oo la sheegay insan wax dhib ah ku haynin Jaarka ag-degan.

Halkaan ka akhri

Masjidka MAHMUD ee ku yaala Xafadda Chic Balgrist ee degmada Zürich ayaa la sheegay inuu leeyahay Minaarad dhirirkeedu yahay 18 meter,  waxaana la dhisay Sanadku markuu ahaa 1963dii, wana Minaaradii ugu horreysay ee laga dhiso dalkan Switzerland.

Hase ahaatee  wali lama hayo wax ka soo ashkatooda oo dhib ku hayso, balse waxaa wax lala yaaba ah kuwa ka soo horjeeda dhismaha  Minaaradaha oo ah Astaan-dhaqameedka Muslimku uu leeyahay (architettonico musulmano).

Minaaradan ma ahan astaan dhismaheeda xoog badan, waxaa loo dhisay si khafiis ah, Sidoo kale haddii la eego dhinaca kale ee dhismaha Minaarada Masjidka MAHMUD, waxaa ka soo horjeeda, dhismo Astaan u ah mid ka mid ah Diimaha Masiixiga ee la yiraahda Kiyeesada evangelika, hase yeeshee ilaa haatan lagama soo sheegin wax dhibaata ah.

Xaafada Zumikon oo ka tirsan magaalada Zürich oo taajir ku ah dhaqan diimeydka ayaa ka mid noqotay wax lagu xusuusta dhismaha Minaaradda, sidaa waxaa qaba dadka deegaankaas.

22kii Juun 1963 oo ahayd maalinta Munaasabada furutaanka Masjidkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Xalfladdaas Wasiirka Arrimaha Dibadda ee wadanka Bakistaan Zaffrullah Khan iyo Duqa Magaalada Zürich Emil Landolt ee Waagaas.

Sidoo kale waxaa dhacay waqtigaas xoogaa is-qabqabsi iyo doodo la xiriira ka qayb galka Duqa Magaalada Zürich, doodahaas oo ka yimaaday dhinaca qaar ka mid ah Wakiilada Kaniisadaha, taasoo ay ku eedeeyeen Duqa Magaalada Zürich Emil Landolt ee Waagaas inuu siiyey dhul Koox Diimeed la yiraahdo Ahmadiya (Ahmadi Comunity).

Duqa Magaalada Zürich Emil Landolt ee Waagaas ayaa Wakiilada Kiyeesada ugu jawaabay sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka ee Switzerland oo qaba in Xuriyadda Ictiqaadka Diineed ay u siman yihiin dadka oo dhan, taasoo micnaheedu yahay in qof kasta uu xor u yahay inuu ku dhaqmi karo Diintii uu doono.

Aadaanka Masjida iyo Dhawaaqa Kambaneelaha Kiyeesada ayaa waxaa laga wareystay nin la yiraahdo Felix Härter oo ku leh dhismo lagu iibiyo Rootiga oo ku dheggan dhismaha Masjidka ayaa caddeeyey inuu wax dhibaato ah ku qabin Adaanka Minaarada iyo dhawaaqa Kambaneelaha  Kaniisada toona, wuxuu intaa raaciyey inuu u codeyn doono 29ka novembre ee soo socoto MAYO .

SomaliSwiss     Swissinfo

Tarjume: Dr. Dhicisow

SomaliSwiss@gotmail.com

%d bloggers like this: