Madaxweyne Sheikh Shariif oo shalay galab si lama filaan ah uga soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

 Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya  Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa si lama filaan ah oo ka duwan qaababkii hore ee uu uga soo degi jiray Magaalada Muqdisho maanta u soo gaaray, iyadoo soo laabashadiisa aanay wax rabshado ah ama dagaal ah ka dhalan.

  Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha oo ka soo kicitimay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa diyaarada siday ay soo caga dhigatay galabta abaarihii 5-tii, waxaana markaasi kadib si qarsoodi ah loogu soo galbiyay Madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale dib ugu soo laabashada Madaxweyne Shariif ee Caasimada ayaa aheyd mid dadka aanay ka war heyn xataa Mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood ayaa lala socodsiin sababo dhinaca Ammaanka.

Hase yeeshee wadooyinka soo gala Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada ayaa astaan u aheyd dhoofida iyo soo degista Madaxweynaha, waxaana xilliyadaas dhici jiray iska hor imaadyo iyo weeraro Madaafiic oo lagu qaado Garoonka Diyaaradaha.

Astaamahaas ma aheyn mid shalay muuqatay, waxaana si caadi u shaqeynayay isticmaalka wadooyinka oo aanay hakad loo gelin imaanshaha Madaxweynaha, taasoo looga gol lahaa in lagu baajiyo weerarada lagu soo qaado ee ka dhasha qasaaraha gaara Rayidka.

Fikraddan ayaa waxay ahayd  mid lagu guuleystay, Waayo markii u horeysay ee Madaxweynaha wadooyinka aan loo xirin, waxaana tani ay dan u tahay shacabka reer Muqdisho oo maalin geeri u aheyd xilliyada uu soo degi jiray ama uu dhoofi jiray Madaxweynuhu.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: