Hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) oo sheegtay in kiiskii ugu horeeyay ee Virus-ka Hargabka doonfaarka laga helay Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wakaalada wararka ee IRIN oo soo xiganeysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO  ayaa sheegtay  in kiisaskii ugu horeeyay ee Virus ka H1N1 ee Hargabka doonfaarka oo qaaday laga helay dalka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Wakiilka hay’ada WHO ee caafimaadka adduunka ee Somaliya Dr. Mohamed Mohamud Fuje, in 10 Tijaabe oo la qaaday, islamarkaana la geeyay sheybaar ku yaala magalaada Niarobi in 10kaasi laga helay labo qof  oo  qaba Viruskaasi.

Dalka Somaaliya ayaa noqoday Wadankii ugu danbeeyay ee afrikada bari ee haatan laga helo Viruskan, kaasoo faraha ba’an ku haya qeybo badan oo caalamka ka tirsan iyadoona WHO aysan xaqiijin magaalooyinka laga helay labadaasi kiis.

Sidoo kale Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli guud ahan soomaliya haatan la talaalayo xujeyda ku sii jeeda dalka Sacuudiga si ay xajka u soo gutaan ka dib markii dowlada sacuudigu ay codsatay, dadkaas si lacag la’aan ah looga talalayo virsukani.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in sida loo joojin karo fiditaanka cudrkan ee gudaha soomaaliya uu yahay in dadka la gaarsiiyo, loona sheego sida lagu kala qaado viruskan, iyadoo dhan kalena xilligan malaayiin soomali ah ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,  islamarkaana ay heli karin wax wacyegelin ah oo la xiriirta viruska halista ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: