Halkaan ka akhri
Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa la sheegay inay si aad ah uga  caroodeen hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sheikh Shariif isagoo Wareysi bixiyay.
 Guddoomiyaha gobolada dhexe ee dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca Sheikh Cumar Sh. Maxamed Faarax oo hadal siinayay Wareysi saxaafadda  ka howl gesha gudaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu raali gelin deg-deg ah ka bixiyo gefka uu ka galay Culumada Ahlu Sunna.
Sheikh Cumar Maxamed oo ah Guddoomiyaha gobolada dhexe ee dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca Sheikh Cumar Sh. Maxamed Faarax wuxuu sheegay inay aad uga caroodeen ka dib markii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu culumada Ahlu Sunna la garab dhigay xoogaga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda KMG Soomaaliya, isagoona intaa raaciyay in ay go’aan ka qaadan doonaan dowladda KMG hadii ay ka gaabsato in ay raali gelin bixiso.
Wareysiga M/weynaha ayaa waxaa uu uga hadlayay marxaladda uu dalku marayo, wuxuuna xusay in xilligan laga gudbay xillijii kooxeysiga lana soo gaaray wakhtigii qaranimada laga shaqeyn lahaa.
Balse Culumada Ahlu Sunna ayaa si aad ah uga dhiidhiyeen in iyagu la garab dhigo dhinacyada kale ee dagaalka ka wada dalka gudahiisa, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo xaqa ka leexday.
Sidoo kale Sheikh Cumar ayaa  sheegay in culumada Ahlu Sunna iyo dowladda KMG u dhaxeeya wax wada hadal,  inkastoo Madaxweyne Shariif uu kaga hadlay qodobkaas wareysiga uu bixiyay.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.